Bilowgi qarnigan, in ka badan toban Jihaadiyiin ah oo ka kala yimid ku dhawaad dhammaan qeybaha Soomaalia aya waxay ku yeesheen Muqdisho shirar qarsoodi ah si ay u dhisaan urur cusub oo Jihaadi ah. Iyagoo ka niyad jabsan hoggaamiyeyaasha ururka Al-Ictisaam Bil Kitab Wal Sunnah oo xilligaas hoggaan u aha Salafiyada Jihaadiga ku dhisan, iyo iyagoo aanan saameeyn badan ku laheyn ururkaas, dhalinyaradan oo qaarkood Afghanistan ka soo dagaalamay waxey rabeen in ay unkaan urur ujeedo Jihaadi uun ku kooban in ay sameeyaan: Xarakada Mujaahidinta Al-Shabab sidaasi buu ku dhashay.

Wixi ka dambeeyay 2002, Al-Shabab waxey saameeyn ku laheyd Muqdisho, halkaasi oo ay dil kaga bilowday shaqaale hay’ado gargaar, saxafiyiin, iyo saraakiil katirsan dawladi kumeelgaarka aheyd. Iyadoo isticmaaleeysay lacago ay ka sameysay ganacsiyo yaryar oo ay aasaastay, kooxdu dalka ayay isku faafisay. Sidoo kale waxay dhac kula kaceen ganacsato khaad iibin jirtay, iyadoo lacagahaas u adeegsatay in ay ku dhisato ciidan iyo hub. Sidaasi darteed, waxey kamid noqotay kooxihi ugu weeynaa ee dhisay Golaha Sare ee Maxaakiimta Islaamiga sanadki 2006da.

Kooxda waxey aad ugu khasaartay dagaalki Itoobiyaanku dalka ku soo galeen 2006di taasi oo keentay in sanadihi ugu horeeyay ee muqaawamada 2007-9 in ay Al-Shabab noqoto kooxaha ugu yaryar ee kacdoonka waday. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo kaashanaysa xeelado caqliyeeysan ee xaga warbaahinta, cabsi-gelin, dilal qorsheeysan, iyo isku-biirid xoog ah, waxey noqotay halka koox ee Jihaadi ah oo hubeeysan ee Soomaaliya ka jira marki la gaaray 2011. Bartamihi 2011 ayuu ururka gaaray meesha ugu sareeysa ee awoodiisa, isagoo noqday maamulka ugu dhul ballaaran ee Soomaaliya meel kamid ah maamula. Axmed Godane oo xilligaa ururka hoggaaminayay ayaa u isticmaalay khibradiisa maamuleed in uu dhiso nidaam dawli iyo awood caskari ah oo inti loo baahnaa wax ku ool ahaa.

Halkan ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:  Isbedeleda ku dhacay Al-Shabab

Share this: