Dulmar Guud
Rubuc sanadeedkii u dambeeyay 2018 waxaa sii kordhayay dilalka toogashada ah iyo kuwa bombada dhajiska ah ee Kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay hoos u dhaceen tirada weerarada tooska ah ee lala beegsado dowladda iyo fadhiyada ciidammada ay bahda yihiin. Ifafaalahaanu wuxuu soo billawday horaantii sanadka, taasoo muujineyso hoos-u-dhaca tirada weerarrada tooska ah iyo kororka tirada dilalka qorsheysan iyo qaraxyada. Waxay kooxdu u muuqataa inay u sii xuub-siibaneyso taktakida dagaal-magaaleedka, si ay uga raad-tirato duqaymaha hawada ee kusii kordhayey kuwaasoo wiiqay awooddeeda ay ku dhibaateyn jirtey dowladda iyo xulufadeedaba.
Ololaha dilalka toogashada ah
Toogashada qorshaysan ee bistooladaha loo adeegsado ayay xoogga ku saaraan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, qaasatan dhanka Woqooyi-Galbeed. Saddexdii bilood ee ugu dambeysey ee 2018 heerka xawligoodu isma beddelin oo wuxuu la mid ahaa rubucyadii ka horreeyey isla muddadan.
Recent Comments