Wax badan ayaa is badalay mudadii ka dambaysay warbixintii Mac-hadka Hiraal sannadkii 2018 ka diyaariyay nidaamka maaliyadeed ee AS1. Awoodda cashuur ururineed ee kooxdu waa ay horumartay, cabashooyinka ku saabsan sida ay meelo cusub ugusii fidayaanna waa sii kordhayeen ilaa xilligaa. Sidaa daraadeeed, daraasaddan waxaa loo sameeyey si loo fahmo sida xaalka ururku yahay xilligaa wixii ka dambeeyey, waxa ay noqotay saamaynta falcelintii dawladdu, iyo waliba waxa la samayn karo si loo xakameeyo maaliyadda ururka.
Xogaha lagu soo bandhigay daraasaddani waa qaar ku salaysan waraysiyo dhacay inti u dhaxeysay Juun ilaa Oktoobar 2020 oo lala yeeshay tiro ganacsato ah oo dhan 70 qof, shaqaale dawladeed, iyo wakiilada hay’adaha aan dawliga ahayn ee ku sugan Mogadishu, Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, iyo Puntland. Intaa waxa dheer, xiriir lala sameeyey saraakiil katirsan Al-Shabab (AS) loo fahmo aragtidooda arinta ku aaddan. Arrimahan waxa aanu u aragnay in ay ku filanyihiin in ay sawir guud naga siin karaan qaabka AS cashuurta uga uruuriso Soomaaliya guud ahaan. Waraysiyada waxaa loo qaaday hab shakhsi ah; keliya waraysiyada lala yeeshay AS ayaa la qaaday iyada oo la adeegsanayo taleefan.
AS waxa ay cashuurtaa inta badan shirkadaha waaweyn; iyada oo cashuurtanina tahay Zako sanadkii laga qaado iyo lacago bille ah2. Qabiilooyinka kusugan iyo ganacsiyada ka jira meelaha AS ka taliso ayaa iyana laga qaadaa lacago loogu yeero Infaaq xilliyada dawladda hoose ee dagaanka lacag yaraani soo food saarto3. Kooxdu waxa ay haysataa keyd lacageed oo buuran, iyada oo arrintanina ka dhigayso “dawladda” keli ah ee gaartay guushan cajiibka ah. Inkasta oo cashuurtu sanad kasta sii kordhaysay, hadana mushahaarooyinku isma ay beddelin, hawlgalada ciidan ee kooxdu samaysaana lamay kordhin. Tan macnaheedu waxa weeye in kooxdu haysato dhaqaale dheeri ah. Daraasaddani waxa ay iftiimin iyo sharaxaad ka bixin doontaa halka lacagtan dheeriga ahi ku dambayso.
Recent Comments