Dulmar Guud

Ganacsiga Soomaaliya waxaa aalaaba xukuma xaaladda amni iyo midda dowladeed. Ganacsiyada waaweyn ee dalku waxay halgankooda soo billaabeen xilliyadii ugu madoobaa ee dagaalkii sokeeye.

Waxay la qabsadeen xaaladaha waxayna ka qeyb qaateen asaaska soo nooleynta qarannimada Soomaaliyeed iyagoo isu furay xuduudihi u dhexeeyey qabiillada. Dalka oo hadda sii galaya sanadkiisii soddonaad ee qalaalaase siyaasadeed, ayaa haddana ganacsiyada Soomaalidu sii kobcayaan qaarkoodna ayba caalami noqonayaan.

Waxay haddaba hadda noqdeen kuwo ay la xisaabtamaan awoodaha gudaha dalka iyo dibaddaba.

Qoraalkani wuxuu ka dhashay wareysiyo lala yeeshay dhowr iyo toban qofood oo oo isugu jira maamulayaasha ganacsiyada iyo saraakiil sare oo dowladeed. Ujeeddadu waxay ahayd in la fahmo sida ganacsiyada waaweyn ee Soomaalidu ula jaan qaadeen jawiga cusub ee ganacsi, gaar ahaan sharcigi AML/CFT ee 2016 ee ka hortagga dhaqidda lacagaha sharcidarrada ah iyo la dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo sharcigii Is-gaarsiinta Qaranka ee 2017…

Share this: