Nuxurka
Sanadka 2020 waxey ku bilaabatay iyadoo Al-Shabaab difaac la gelinayo balse weerarkeeda uu weli firfircoonyahay. Kooxda waxaa la soo derisay weeraro joogto ah oo ay Xulufadu ku qaadayeen goobaha baadiyaha ah oo ay ku xoogan tahay. Saddexdi bil ee sanadka ugu horreeyay, kooxdu waxey lumisay waddooyinki ugu muhiimsanaa oo ay caasimadda ku soo geli jirtay oo misna ku qaadi jirtay canshuuraha ay ka qaado caasimadda. In kastoo ay u suuragashay in ay sii waddo weeraradeeda dhanka magaalooyinka ah, waxey lumisay saddexdi bil ee u dambeeyay awooddeedi hore ee ku aadaneyd in ay fuliso weeraro ay la socdaan Gawaari Qarax laga soo buuxiyay (GQ). Intaasi waxaa dheer in ay u isticmaashay weerarada xaddidan ee GQ u suuragalay in ay ku weerarto xarumo militari ama ay isku daydo in ay ku disho madax iyada khatar ku ah. Tani waxey caddeeyneysaa in ay AS weli leedahay awood ay ku fuliso GQ balse ay la’dahay fursad iyo bartilmaameed ku habboon.

Halkan ka daawo khariirad muujineysa meel walba uu weerar ka dhacay iyo faahfaahin kooban oo ku saabsan weeraarkaas :
Recent Comments