Al-Shabab waxaa asalki sameeyay shaqsiyaad diidanaa ama u suurtogali weyday in ay wax ka noqdaan nidaamki Al-Ittixaad ee goor dambe noqday Al-Ictisaam. . Cod la’aantooda ayaa ku kaliftay in ay ka goostaan oo ay aasaastaan urur sii wada Jihaadka isaga oonan shuruudo badan ku xirin cidda hoggaanka noqon karta. Sidaasi darteed shuruud wax barasho ma ahan arrin waajib ah si shaqsi uu darajo ugu helo AS dhexdeeda. Taasi bedelkeeda, daacdnimo, adeecidnimo, iyo awood shaqo qabasho ayaa ah waxyaabaha loo baahanyahay. Taasi waxey keentay in Al-Shabab uu ahaado urur aanan laheyd dad badan oo hoggaan ah oo aanan waxbarashada heer sare ka gaarin, in kastoo aasaaseyaasha ay si guud u aqoon fiicnaayeen – iyo inta badan dad magaalooyinka ka soo jeeda – taasi oo ka beddelan hoggaamiyeyaasha hadda.
Arrintan waxey aad uga muuqataa madaxda sare ee ururka . Hoggaamiyihii hore, Axmed Godane, wuxuu haystay shahaadada MBA, wuxuuna sidoo kale uu lahaa khibrad shaqooyinka gaarka ah iyo hay’adaha maxaliga ah inta uusan ururka aasaasin. Ninka isaga bedelay, Axmed Diriye, iyo inta badan hoggaamiyeyaasha hadda jira, malahan waxbarasho rasmi ah oo heer sare ah. Waxey arrintan aad uga duwan yihiin kooxaha kale ee Islaamiyiinta Soomaaliyeed kuwaasi oo xooga saaro kuna faano heerka waxbarasho ee madaxdooda. Tusaale ahaan, ku dhawaad dhammaan xubnaha guddiga fulinta ee Al-Ictisaam waxey heystaan shahaado jaamacadeed.
Ururku ma qiimeeyo waxbarashada rasmiga ah, lakin wuxuu xoog saaraa keli midnimada afkaarta iyo daacadnimada. Tani waxaa caddeyn u ah qiimeeyn lagu sameeyay heerka waxbarashada ee 58 xubno sare ee ka soo goostay Al-Shabab inta u dhaxeysay 2015-18.
Si loo xaqiijiyo in ururka uu yeesho hoggaamiyeyaal caqiidada uruka sii wada, ururka wuxuu sameystay nidaam waxbarasho ee hufan kaasi oo soo saara xubno cusub ee lagu tashan karo. Xafiiska Waxbarashada waxaa madax ka ah Sheikh Cali Dhere, oo ah afhayeenka ururka, taasi oo ku tusaysa ahmiyada uu Xafiiskan u leeyahay kooxda Al-Shabab.
Degso warbixinta oo dhan: Waxbarashada Al-Shabab
Recent Comments